UK: Baarlamaanka oo ansixiyey in doorasho la qabto Bisha December

Published: October 30, 2019

Go’ aanka habeenimadii Salaasada kasoo baxay Golaha Wakiilada dalka UK ayey xildhibaanada ku taageereen cod aqlabiyad ah 438 halka ay diideen 20 xildhibaan oo kaliya.

Doorashada guud ee la qaban doono 12ka bisha December ayaa waxaa ku baaqay in la qabto Raysalwasaare Boris Johnson oo ku guuleysan waayey inuu Baarlamaanka ka dhaadhiciyo qorshihiisa Brexit ee ka bixitaanka Midowga Yurub, wuxuu rajeenayaa inuu doorashada haduu ku guuleysto uu helo kuraas badan baarlamaanka si ay markaasi ugu fududaato meel marinta qorshihiisa Brexit.

Hase yeeshee khubarada siyaasada ee dalka UK ayaa ku tilmaamay go’aanka Boris Johnson khamaar siyaasadeed oo khatar ku keeni karta xukuumadiisa waa hadii looga guuleysto codbixinta.

Xisbiga Mucaaridka ugu weyn ee Labourka oo hada kahor 4 jeer horjoogsaday in la qabto doorashada ay ku baaqeen xisbi xaakimka ayaa ugu danbeyntii sheegay inay taageerayaan codbixin la qabto, iyagoo hada kalsooni ku qaba inay taageero fiican ka heli karaan shacabka UK ee ka daalay xiisada Brexit.

Hadii xisbiga mucaaridka Labourka iyo xulafadooda ku guuleystaan doorashada arrintaasi waxay dib u furi doontaa in xukuumadaasi ay ku dhawaaqdo Afti cusub oo loo qaado Brexit, hadii ay aftidaasi ku guuleystaan waxaa gebi ahaan burburaya qorshihii UK uga baxeysay Midowga Yurub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *