Xeer-Ilaalinta Puntland oo dacwad kusoo oogtay Xil. Cawil Xassan Daad

Published: October 30, 2019
Xildhibaan Cawil Xassan Daad

Xeer-Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, ayaa dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa mudanayaasha Baarlamanka looga dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad-ciqabeed ku saabsan ku xad-gudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Ma cadda dacwad-ciqaabeedka loo haysto xildhibaanka iyo sidoo kale wakhtiga la maxkamadaynayo.

Sida ku cad qoraalka xeer ilaalinta, dacwad-ciqaabeedka lagu eedeeyay xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa ka dhalatay su’aal uu madaxweyne Deni ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *