Xuska Sanad-guurada 96-aad ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho [ Muqaal ]

Published: October 30, 2019

Munaasabad lagu xusayay 96 guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay Jamhuuriyadda Turkiga ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xuska oo ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirro, Xildhibaanno Madaxda Gobolka Banaadir, Madaxweynaha Hirshabeelle, Ururrada Bulshada iyo marti sharaf kale.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmat Yilmez, ayaa ugu horreyn u mahad celiyay masuuliyiinta ka qeyb gashay munaasabadda, isagoo madaxda Dowladda ku ammaanay dedaallada ay ugu jirto nabadda ku soo dabbaalidda Dalka.

Gudoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in shacabku aysan illaawi doonin gurmadkii uu  Madaxweynaha Turkiga u sameeyay Soomaaliya, xilli ay Dalka ka jirtay abaar ba’an.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Dalka Turkiga , Mustafa Kamel Ataturk, ayaa 29-kii Oktoobar 1923-kii ku dhowaaqay in Maalintaasi loo aqoonsado Maalin Qaran, markii ay meesha ka baxday Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *