Bakistan: 73 qof oo Ku Dhintay Dab ka Qarxay Tareen

Published: October 31, 2019

Ugu yaraan 73 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyoodeen dab ka kcal Taareen siday dad Rakaab oo iskala gooshayay magaalooyinka Rawalbindi iyo Karaashi ee bartamaha dalkaasi Baakistaan, dabkan ayaa ka kacay Gaaska cuntada lagu karsado.

Wasiirka Gadiidka tareenada ee Bakistaan Sheikh Rashid ayaa sheegay in dabku ka kacay mid ka mid ah rakaabka tareenka oo adeegsanayay gaaska cuntada lagu kariyo, waxaa kaloo uu sheegay in shilku ka dhacay agagaarka deegaanka Liaquatpur, oo 150-km u jirta magaalada Multan.

Dabka ayaa ku faafayay saddex qaybood oo ka mid ah Tareenka ee isjiidaya. ilaa 40 qof ayaa dhaawacyo halis ahi uu ka soo gaaray dabku, waxaa kaloo cabsi laga qabaa in tirade dhimashada ay sii korodho.

Rakaabka Tareenada dalkaasi Bakistan ayaa loo ogolyahay in soo qaataan Gaaska iyo qalabka cuntada lagu karsado marka safarku uu dheer yahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *