Daacish oo Sheegtay inay Doorteen Hoggaamiye Ka Soo Jeeda Qoyska Nebi Maxamed (NNKH)

Published: October 31, 2019

Kooxda daacish ayaa si rasmi ah u shaacisay in hoggaamiyahoodii Abu Bakar Al Baqdadi lagu dilay weerar maraykanku uu fuliyay oo ka dhacay gobolka Idlib ee Siiriya, waxayna ku doorteen hoggaamiye cusub.

Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi ayaa kooxda Daacish u doorteen inuu noqdo hoggaamiyahooda Cusub kooxda.

Hawlgalkan oo ay fuliyeen koox si gaar ah u tababaran waxay ka fuliyeen gobolka Idlib ee waqooyiga Ciraaq halkaasi oo lagu dilay hogaamiyihii kooxda ISIS Abu Bakar Al Baqdadi oo muddo dheer dhuumaaleysi ku jiray.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in hoggaamiyihii hore ISIS Baqdaadi uu isqarxiyey intuu dagaalka socday, isagoo ku dhex jira God dhulka hoostiisa ah uuna ku dumay godkaasi, qaraxaasna ku dhinteen sadex kamid ah caruurtiisa, Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa sidoo kale sheegay in meydka Baqdaadi ay baaritaan ku sameeyeen oo cadeeyeen inuu isaga yahay isla markaana ay badda ku aasi doonaan.

Kooxda Daacish waxay sheegeen in hoggaamiyahooda cusub uu ka soo geed qoyska Nabadi Maxamed (NNKH)Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi, balse warbixin dheeraad ah Kama bixin taariikhda hoggaamiyahooda iyo qofka uu yahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *