Gen Asad Cismaan oo 10 Kun Dollar Ugu Deeqay Dadka Dhibaatadu Ka soo Gaartay Fatahaada Webiyada

Published: October 31, 2019

General Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka mid ah murashixiinta xilka madaxweynaha Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu 10 kun dollar uga qayb qaadanayo gurmadka loo fidinayo dadka dhibaatadu ka soo gaartay fatahaada webiyada Shabeele iyo Jubba.

Wuxuu Bogaadiyay culumada, dhalinyarada iyo shacabka isku xilqaamay inay u gurmadaan dadka walaalahood ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaada Webiyadda, gaar ahaan dadka ku dhibaataysan magaaladda Beledweyne

“Waxaan la qaybsanayaa Dhibta iyo Duruufta adag uu keenay Fatahaadda webigu ee ay marayaan walaalaheena ku nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, dareenkayaga damqaday waa mid bini-aadannimo mid Islaamnimo mid Soomaaliyeed,” ayuu yiri Gen Asad Cismaan

Dhinaca kale, Magaalooyinka Puntland waxaa ka socda abaabul xoogan oo loogu gurmanayo shacabka ku nool goboladda Hiiraan iyo Bay, side kale Culumadda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dhinacooda sheegay inay ka qaybgalayaan gurmadka lacag ka badan 160 kun oo dollar oo ka soo hartay lacago loo ururiyay dadkii abaaruhu saameeyeen Puntland

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *