Jabuuti oo gurmad dhaqaale iyo mid gargaarba u fidanaysaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Published: November 1, 2019

Xukuumadda Dalka Jabuuti waxay guddiga gurmadka saameynta ka dhalatay fataahadda wabiyada iyo roobabkii da’ay ku wareejisay lacag dhan 100 milyan oo faranka Jabuuti ah taas oo u dhiganta lacag dhan 600 kun oo doollar.

Waxaa kaloo ay sheegtay Jabuuti inay gargaar kale oo diyaaraddo lagu daabulayo gaarsiin doonto goobaha ay fataahadduhu ka dhaceen.

Dawlada Jabuuti ayaa ka mid ah dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, ciidamada oo qayb ka ah Amisom aya ka hawl-galla degmada Beledwayne oo ka mid ah meelaha ay sida wayn u saameeyeen fatahaaduhu

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *