49 Askari oo Lagu Dilay Waqooyiga Mali

Published: November 2, 2019

Wararka ka imaanaya dalka Mali ee galbeedka qaarada afrika ayaa sheegay in 49 askari oo ka tirsan milateriga lagu dilay weerar ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

afhayeen u hadlay dowlada Mali Yaya Sangare ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso, isagoo tirada askarta lagu dilay weerarkaasi gaarsiiyay 54. waxaa kaloo uu sheegay in ciidamado dheeraad oo xoojin ah loo diray degaanka weerarku ka dhacay.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaaladda Indelimane ee gobolka Menaka, gaar ahaan xuduuda wadanku la wadaago wadanka Burkina Faso, waana kii ugu xumaa muddo 10 sanno ee ka dhacaa wadankaasi oo dagaal sokeeye iyo kooxo islaamiyiin ahi ay dagaal kula jiraan dowladda.

Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi hase yeeshee degaankaasi waxaa ka howlgala koox xagjir ah oo lagu magacaabo Ansaarul Islaam, taasi oo la aasaasay sanadkii 2016kii,

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *