Baarlamaanka puntland oo laalay dacwadii loo haystay Xildhibaan Cawil Daad.

Published: November 2, 2019

Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa u codeeyay fadhigii maanta in la laaalo Dacwadii loo haystay Xildhibaan Cawil Daad taas oo ay sheegeen in ay baalmarsan tahay shuruucdo dalka.

39 xildhibaan oo kamid ah 41 Xildhibaan oo fadhiyey kulanka 5’aad ee kalfadhiga 45’aad ee baarlamaanka Puntland ayaa u codeeyey in Xildhibaanku uusan wax danbi ah gelin.

Dhanka male Xafiiska Xeer ilaalinta Puntland ayaa sheegay inuu ka laabtay dacwadii ay kusoo oogi lahaayeen Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su`aal weydiiyey Madaxweyne Deni,

Maadaama uu heshiis dhexmaray Golaha xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xeer-ilaalinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *