Hirshabelle ” Waxay dadkeenu dareemayaan deganaansho ka duwan middii hore “

Published: November 2, 2019
Saamaynta fatahaadda

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in dadka deegaanadasi ay dareemayan xaalad ka duwan middii maalmihii la soo dhaafay ka jirtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa magaalada Baledweyne hareereeyay fatahaado xoogan oo ka dhashay webiga Shabelle iyo roobab ka da’ay gobolka Hiiraan, kuwaa oo dadka ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan.

Xasan Cabduqaadir Muudey, la taliyaha qaybta warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dadku dareemayaan xaaladdii hore mid ka duwan.

” Waxay dadkeenu dareemayaan deganaansho ka duwan middii maalmihii la soo dhaafay ay dareemayeen, oo ka dhashay fatahaadaha uu sanadkan sameeyay Webiga Shabelle. Xoogihii ay fatahaadaha la lahaayeen xooggaa sidii hore maaha.”

ayuu yiri Xasan Cabduqaadir Muudey.

Waxaa uu tilmaamay in Magaalada Baledweyne ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Hirshabelle, Wasiiro iyo Xildhibaano, si ay dadka ugu muujiyan in ay garab taagan yihiin.

“Waxaa xilligan Magaalada Baledweyne ku sugan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, si uu shacabkiisa ula qaybsado xanuunka fatahaadaha. Sidoo kale Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa Madaxweynaha ku wehlinaya Magaalada Baledweyne.”

ayuu yiri Xasan Cabduqaadir Muudey oo Warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in fatahaaduhu ay ka jiraan degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana uu Jimcihii gaaray Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Fatahaaduhu waxay sidoo kale ka jiraan Degmada Mahadaay, waxaana iyadana laga dareemayaa wa xooggaa deganaansho ah. Waxaana Jimcihii gaaray Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe, oo ay wehliyan Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan iyo Xildhibaano ka soo jeedo Degmada Mahadaay.”

Xasan Cabduqaadir.

“Arrinta fatahaadaha marka ay noqoto waxaa jira gurmadyo ballaaran oo meelo kala duwan ka imaanaya oo gaaraya Magaalada Baledweyne, si loogu qaybiyo shacabkii magaalada ka baxay oo hadda ku sugan duleedyada magaalada.”

Muudey ayaa bulshada Soomaaliyeed kaga mahad-celiyay sida ay ugu muujiyeen in ay ka xun yihiin marxaladda adag ee ku soo korortay xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne.

” Waxaan mahad ballaaran u jeedinaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nala wadaagay dareeenkooda iyo intii nasoo gaarsiisay gurmadka walaalnimo. Hirshabelle State waxay diyaar u tahay in ay la shaqayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa garabsiinta shacabkeena dhibaatada soo gaartay.”

ayuu yiri Muudey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *