Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Beledweyne

Published: November 2, 2019

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Magaaladda Beledweyne, halkaasi ay ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo dhalatay fatahaada webiga Shabeeele.

Waftiga madaxweynaha oo diyaarad ku timid magaaladda Beledweyne waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare iyo masuuliyiinta maamulkiisa

Ujeedka safarka Madaxweynaha Federaalka ayaa la xiriira sidii uu ugu kuur galo xaaladda bini aadamnimo ee ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo howlaha gurmadka ah ee Hay’adaha Dowladdu ay ka wadaan deegaannadaas

Magaaladda Beledweyne ayaa waxaa ku fatahay webiga shabeele oo mara magaaladda, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah , ganacsatada iyo shacabka ayaa isku xilqaamay ururinta gargaar loogu talagalay inu lagu caawiyo shacabka dhibaatadu ka soo gaartay fatahaada webiga ee goboladda Hiiraan, Bay iyo goboladda kale ee ay maraaan webiyada shabeelle iyo Jubba.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *