Magaalooyin ka mid ah Somaliland oo laga wado u gurmashada shacabka Beledweyne

Published: November 2, 2019

Magaalooyin ka mid ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco ayaa laga bilaabay dadaallo loogu gurmanaayo shacabka magaalada Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaado xooggan.

Dhalinyaradda, waxgaradka iyo culimadda ayaa garwadeen ka ah qorshaha loogu gurmanaayo shacabka Beledweyne, waxaana ay tagayaan goobaha ganacsiga, masaajidda iyo goobaha waxbarashada.

Magaalada Ceerigaabo ayaa dhalinyaradda iyo culimadu ka wadaan gurmadshadda shacabka Beledweyne waxaana makarafoono ay la dhex-marayaan wadooyinka magaalada, halka Hargeysa iyo Burco culimada ay ka waddaan masaajidda.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli degaano ka mida ah Galmudug iyo Puntland uu si xowli ah kaga socdo gurmadka shacabka magaalada Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaado uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *