Qadar oo Ka Caawinaysa Dowladda Federaalka Adeegsiga Teknoolajiyada Satalaytka

Published: November 2, 2019

Magaalada Doona ee dalkaasi Qadar waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasaaradda isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Qadar.

Wafti uu hoggaaminay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda  Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa kulamo gaar ah magaalada Doxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi,

Kulamadaasi  ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

Labada dhinac kulamadooda  oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Dhinaca kale, Wafdiga Wasaaradda waxa uu kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qadar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Qader govt is a true brother of somali peoples in a faithful manner
    We never forget Qader govt support in all aspects
    Long life to Qader govt and there
    Nation god bless u in aspects

  2. U r always free to change your mind and choose a different past or different assistance in future circumstances