Madaxweyne Deni Oo Caawa Ka Qeybgalay Kulanka Bulshada Degmada Dangoroyo:

Published: November 3, 2019

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa degmada Dangoroyo kaga qeybgalay kulanka Bulshada degmada Dangoroyo oo ujeedkiisu ahaa xog-wareysiga Bulsho iyo Dowladdeeda.


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka kala qeybgalay, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Dangoroyo, Hogaanka dhaqanka, Aqoonyahannada, Culimada, Siyaasiyiin Puntland xilal kasoo qabtay iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Kulanka waxaa lagu bilaabay Casho sharaf, kadibna Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo hadalka furay ayaa bogaadiyey waxqabadka Dowladda, waxay sidoo kale Bulshada Dangoroyo uga mahadcelisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in uu fuliyey ballanqaadkii ahaa inuu wakhti fiican siiyo dadka deegaanka oo habeen ku hoydo Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaadkii kulanka la hadlay Bulshada degmada, wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo kulankan oo muhim u ahaa Bulshada iyo Dowladdaba, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Dowladdu ku howlantahay hirgelinta codsigii deegaanka ee dhismaha Wadada Eyl iyo Dangoroyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in kulamo gaargaar ah uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dangoroyo si uu u dhegaysto baahiyaha ka jira deegaanka iyo siday u kala muhimsanyihiin, kadibna ay Dowladdu ku go’aan qaadanayso markii ay waxqabad noqoto.
Kulanka Madaxweynaha iyo Bulshada degmada Dangoroyo ayaa qeyb ka ah, kulamada Madaxweynuhu uu la yeeshay Bulshooyinka uu booqday. Waxaana Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ay caawa ku hoydeen Degmada 
Dangoroyo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *