Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka [Muqaal]

Published: November 3, 2019

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan is-xog waraysi ah la qaatay madax ka socotay Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminaayey Madaxweyne ku-xigeenka baanka Adduunka Hafez Ghanem kuwaas oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabo-gabo maraya.

Kulankan oo ay qeyb ka ahayd qado sharafeed Madaxweynuhu uu u fidiyey madaxda ka socotay Bankiga Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *