Xildhibaan cusub oo ku biiray Baarlamaanka Puntland [ Muqaal ]

Published: November 3, 2019

Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo Faysal Cumar Geesdiir ayaa kamid noqday mudanayaasha Golaha Shacabka Puntland, kadib markii uu maanta [ Axad ] is-casilay xildhibaan hore Mahad Maxamed Warsame .

Isinka beesha uu ka dhashay xildhibaanka is casilay ayaa Faysal Cumar Geesdiir usoo xulay inuu buuxiyo booskii uu baneeyay mudane Mahad Maxamed.

Gudoonka iyo mudanayaasha golaha ayaa loo soo gudbiyay xildhibaankan cusub, kadib markii uu saxiixay isinka beeshiisa. iyagoona cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay baarlamaanku mudane Faysal Cumar.

Mahad Maxamed Warsame Xildhibaanka booskan banneeyay, oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray Guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada Golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Faysal Cumar Geesdiir.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *