36 Milyan oo Qof ayaa Ku Biirtay Tirada Dadka Kenya 50kii Sanno La Soo Dhaafay

Published: November 4, 2019

Dalka Kenya waxaa maanta si rasmi loogu dhawaaqay tirada dadka wadankaasi ku nool oo lagu sheegay 47 Milyan oo qof, ka dib markii tirkoob la sameeyay bishii August ee sanadkan 2019ka.

Hay’ada u qaabilsan Kenya Tirkoobka KNBS ayaa sheegay in 9 Milyan oo qof ay ku soo korodhay tirada shacabka Kenya Tan iyo sanadkii 2010kii oo la sameeyay tirkoobkii u dambeeyay, Taasi guud ahaa tirada wadanka Kenya ka dhigay 47 Milyan qof.

Tirkoobku wuxuu sheegay in tirada damarku ay tahay 24 Milyan ay yihiin Haweenku Kenaya, halka Ragana lagu sheegay 23 Milyan oo qof. waxaa kaloo warbixinta tirokoobka lagu sheegay in caasimada Nairobi ay ku noolyihiin Afar Milyan iyo saddex boqol oo kun oo qof.

Tirada dadka Soomaalida ku nool dalkaasi Kenya ayaa warbixinta sheegtay inay gaarayaan Labo Milyan iyo shan boqol kun oo qof.

50kii sanno oo la soo dhaafay tirade dadka Kenya waxaa ku darsan tahay 36 Milyan oo qof. Tirakoobkii la sameeyay sanadkii 1969kii, tirada dadka wadankaasi waxay ahaayeen wax ka yar 11 Milyan oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *