AFRICAN oo Jubbaland ka caawinaysa hormarinta goobaha caafimaadka

Published: November 4, 2019
Dhakhaatiirta AFRICOM

Dhakhaatiir ka socota howlgalka Maraykanka ee qaarada Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa maanta booqday Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, muhiimadda booqashadooda ayaa ahayd in ay kuurgalaan xaaladda isbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif iyo Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo Xuseen Sheekh Qaasim ayaa dhakhaatiirta kusoo dhoweeyey isbitaalka islamarkaana uga warbixiyey xaaladda uu ku shaqeeyo.

Dhakhaatiirta ka socota howlgalka Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay kormeer iyo qiimayn kadib gacan ka geysan doonaan sidii isbitaalka Kismaayo loo ballaarin lahaa looguna dhamaystiri lahaa dhammaan adeegyada caafimaad ee uu u baahan yahay.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Kismaayo

Dhaqaatiirtaan ayaa sheegay in ay go’antahey caawinta shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna intaasi ku dareen in balan qaadyadood sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo jawaabi doonaa.

Wasiirka Caafmaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif ayaa uga mahad celiyay booqashadooda waxa uuna sheegay in kulamo muhiim ah Madaxda Jubbaland la qaada doonaan inta ay ku suganyihiin Magaala Xeebeedka Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Howlgalka Maraykanka ee qaarada Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa la qayb ah Howl galada Mareykanku ugu yeero la dagaalanka Argagaxisada,waxa uuna Duqaymo iyo howl galo toos ah ka gaystaa deegaanada ay suganyihiin Al shabaab iyo Daacish.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *