Ciidamada Booliska Soomaaliya oo taliye saldhig u magacabay Degmada Guriceel.

Published: November 4, 2019
Taliyaha Saldhiga Guriceel.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliye cusub u magacabaay Saldhiga Degmada Guriceel oo dhawaan ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay kala wareegeen maamulka ahlu sunah wal-jameeca oo mudo ka talinayay degmadaas.


Zakariye Cabdi Cali ayaa loo magacaabay taliyaha saldhiga Guriceel, Sarkaalkaan ayaa hogaaminayay ciidamadii la wareegay gacan ku haynta guri-ceel, Ciidama Ahlu-sunah wal-jameeca ayaa intooda badan ku biiray kuwa ciidamada DFS.


Xalada Guriceel ayaa deggan, iyadoo weli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa Dawlada Federaalka ah iyo madaxda maamulka ahlu-sunah wal-jameeca.

Horseed Medai, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *