Corbyn oo Madaxweynaha Maraykanka Ku Eedeeyay Inuu Faragalinayo Doorashada UK

Published: November 4, 2019

Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee boqortooyada UK Jeremy Corbyn ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu faragalin qaawan u samaynayo doorashadda Britian, isagoo si toos ah hula safety Ra’isul Wasaare Boris Johons

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Madaxweyne Trump uu doonayo in la doorto saaxiibkii Boris Johnson.

Carbyno ayaa ka carooday markii warbaahinta LBC ay baahisay Barnaaminka Nigel Farage , taasi oo madaxweynaha Maraykanka uu ku sheegay in Britain ayan u wanaagsanay inuu Ra’isul Wasaare ka noqoday Hoggaamiyaha Mucaraadka Jeremy Carbyn.

Wuxuu ku tilmaamay Ra’isul wasaaraha Britian Boris Johnson qof ku baboon shaqada , islamarkaan ah Saaxiib muhiim ah oo uu leeyahay. Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu aad xumaaday inuu Britian ay ku guuldaraystay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Sharci dajiyaasha Barlamaanka Uk ayaa isku raacay in 12 bisha December la qabto doorashada guud ee wadankaasi markii u horraysay muddo 90 sanno ah. xildhibaanada ayaa ilaa 31 bisha January 2020 ka dhigay xiliga Britian ka baxay Midowga Yurub.

HORSEEDMEDIA

t

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *