Dad Caraysan oo Weeraray Qunsiliyada Iiran ee Karbala

Published: November 4, 2019

Ugu yaraan saddex ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii mudaharaadayaal caraysan ay weerar ku qaadeen qunsliyada Iiraan ay ku leedahay magaaladda Karbala ee bariga ee dalkaasi Ciraaq maalintii Axadii ee shalay.

Mudaharaadayaasha ayaa dalbanayay in dowladda Iiraana ay joojiso fargalinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee wadanka Ciiraaq, mudaradayaashan ayaa ka booday darbiga qunsliyada.

Wararku waxay sheegay in ciidamada ammaanka ee ilaalinaya qunsuliyada ayaa rasaas ku fureen mudahradayaasha, warar kale ayaa sheegay in rag aan haybtood la aqoon ay rasaasta ku fureen mudaharaadyaasha.

Dalkaasi Ciraaq waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday mudaharaadyado ballaaran oo looga soo horjeeda xukuumadda Ciraaq. dadka ayaa ka caraysan inuu Ra’isul wasaaraha wadanka Adel Abdul Mahdi uu ku fashilmay inuu wax ka qabto musuqmaasuqa baahay, shaqo la’aanta iyo adeegyadii asaasiga ah ee shacabka.

Ra’isul wasaaraha ayaa ku baaqay deganaansho, isagoo ballanqaaday inuu isbedel deg deg ah samayn doono.

HORSEEDMEDIA


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *