Dowlada Iiraan oo meesha ka saartay wadahadal ay la gasho Mareykanka

Published: November 4, 2019

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa meesha ka saaray wadahadalo ay la galaan Washington, maalin ka hor xuska 40 guuradii ka soo wareegtay markii la afduubtay shaqaalaha safaarada Mareykanka ku lahaa ee caasimada Tehraan.

|Kuwa u maleynaya wada xaajoodka Mareykanka in uu xalinayo dhibaatada jirta xaqiiqdii wey qaldanyihiin ” ayuu yiri Mr Khumeyni intii lagu guda jiray khudbad uu maanta jeediyay oo lagu baahiyay website-ka uu gaarka u leeyahay.

” Waxba kama soo bixi karaan wadahadal aan la galno Mareykanka, maxaa yeelay xaqiiq ahaan malaha go,aan qaadasho dhab ah “

ayuu yiri.

Bishii November 4-teedii sanadkii 1979-kii ayaa arday u dhashay Iiraan waxay ku xoomeen dhismaha safaarada Mareykanka ee Tehraan iyaga oo afduub ahaan u qabsaday shaqaalaha safaarada.

Ardayda ayaa dalabkooda waxaa uu ahaa in lagu soo wareejiyo boqorkii hore ee Mr sSah, Mohammad-Reza Pahlavi oo xiriir la lahaa Mareykanka oo ay xilka looga tuuray kacaanka Islaamiga ahaa ee Iiraan ka dhacay 11-kii bishii Febraayo sanadkii 1979-kii.

Boqor Shaah ayaa markaasi lagu dabiibayay isbitaal ku yaal Mareykanka kadib markii uu xanuun soo ritay.

In la xaliyo arintaan ayaa waxay qaadatay 444 maalmood waxaana ugu danbeyn la sii daayay 52 qof oo u dhalatay Mareykanka oo afduub ahaan loogu heestay dhismaha safaarada.

Sanadkii 1980 ayaa gabi ahaanba si rasmi ah labada wadan waxay gooyeen xiriirkii dhanka diblumaasiyadda oo ay Lahaayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *