Kenya ” DFS raali ka ahayd wafdigii caleemo saarka Axmed Madoobe “

Published: November 4, 2019
Xog-haye Macharia Kamau

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wafdigii Kenya ee dhawaan ka qeyb galay caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ay Dowladda Soomaaliya raali ka ahayd.

Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa BBC u sheegay dowladda Somaliya wafdigaasi inay ogayd oo ay ka sii war haysay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Jubbaland inay aheyd mid xalaal ah.

” Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay “

ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia oo la hadlayay BBC-da.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *