Puntland oo sheegtay in tilaabo ay ka qaadayaan Universal Tv

Published: November 4, 2019
Wariye Cagta Xaaji

Wasiirka Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta shir jiraa’id ku qabtay caasumadda Puntland ee Garowe, ka hadlay barnaamij xalay ka baxay telefishinka Universal oo lagu dhaliilay xukuumadda Madaxwayne Deni.

Barnaamijkan oo uu tabinayay wariye Cagta Xaaji ayaa si adag Xukuumadda Puntland ugu dhaliilay caburin dad-wayne iyo arimo kale.

“Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yiraado Ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay”

ayuu yiri wasiir Sabareey.

Sabareey ayaa sheegay inay maamulka sare ee telefishinka Universal wax ka waydiin doonaan dhaliilaha ku xusan barnaamijka xalay ka baxay telefishinkaasi.

“ TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xiriiri doona insha Allaah”

ayuu sii raaciyay wasiirka.

Wasiirka waxaa uu Universal TV ku eedeeyay in uu kicin dadweyne sameeyay, balse aysan waxba ka jirin arrimaha uu ka hadlay, isagoo ku hanjabay in dowladda Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto haddii loo baahdo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *