Cabdinuur Maxamed ” Labo Askari ayaa loo xirnay Tacadiyo loo gaystay Weriyayaal”

Published: November 5, 2019

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidamada dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay xabsigga dhigeen laba askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in ay gaysteen handadaad iyo garaacid loo gaystay qaar ka midda weriyayaasha ka hawlgalla Muqdisho.

“Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran” ayuu yirri Cabdinuur Maxamed.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in weriyayaasha ay yihiin muwaadiniin la dacwayn karro, ayna ahayn in siffo sharci ah xarigooda loo maro

Wariyuhu waa muwaadin la xuquuq ah shacabka kale. Waa la dacweyn karaa, isaguna waa dacwoon karaa, balse waan in xarig kasta loo maraa sifo sharci ah, Booliiskuna waa inuu haystaa warqad ogolaansho. Waxaan ka raalli galinaynaa guud ahaan bahda saxaafadda, gaar ahaan wariyeyaashii dhibaatooyinka la gaarsiiyay, waxaana qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo badqabka wariyeyaasha iyo ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin ” Ayuu yirri Cabdinuur

27kii bishii hore ayaa sidaan oo kale xarig iyo handadaad waxaa loo gaystay weriyayaal kale oo ku hawl galla Magaalada muqdisho.

Horseed Media 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *