Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Ahlusuna [Muqaal]

Published: November 5, 2019
Wasiir Mareeye

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Ahlusuna Waljameeca in uu qaato nidaamka Federaalka, islamarkaana arrimaha Galmudug loogu dambeeyo Dowladda Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay Ahlu Sunna tahay mid dowladda kala shaqaynaysay la dagaalanka argagixisada, qaybo kamid ah dalkana ay nabad-gelyo ku soo dabaashay.

Dhanka kale waxa uu sheegay Wasiir Maareeye in wanaag badan Dowladda u hayso maamulka Ahlusuna Waljameeca, balse loogu baahan yahay in Dowladda Dhexe wax walba ugu dambeeyaan.

“ Ahlusunna Waljameeca waxaa weeye urur runtii muddo dowladda kala shaqaynayay la dagaalanka argagixisada, meelaha qaarkood dalka nabadgelyadiisa wax ka hayay,wanaag baan u haynaa, dadkii Soomaaliyeed weeye, dadkii dalka lahaa weeye, lagama xigsanayo, laakiin nidaamka sharciga ah ha raaceen,dowladda Soomaaliyeed ha u ogolaaden inay si nidaamsan uga warqabto, u hagto inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, oo si fiican loo soo doortay Xildhibaanadeeda.”

ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *