Dugsigga Mubtada’a Qardho oo loogu deeqay Aggab Waxbarasho.

Published: November 5, 2019
Qalab waxbarasho oo loogu deeqay dugsigga Mubtada’a Qardho.

Ururka Hormarinta Afrika oo ka dhisan gudaha dalka kana shaqeeya Hormarinta Arimaha Bulshadda ayaa dugsiga sare ee Mubtadda Qardho ku wareejiyay deeq Computer ah oo loogu talagalay in ardayda iskuulku ay wax ku barato.

Munasabadda lagu wareejinayay waxaa oo ka dhacday gudaha iskuulka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Karkar Saciid Maxamed Faahiye, Kormeeraha waxbarashada Gobolka Karkaar Mahad Gacayte Maamulka Dugsigga Mubtada iyo Madaxa Mashariicda Ururka ku deeqay Computeradan Sheekh Ciise Maxamed Hurre.


Masuulka ka socda Ururka Horumarinta Afrika Ciise Maxamed waxa uu xusay in ay uga gol-leeyihiin sidii loo xoojin lahaa tayadda tacliinta ardayduna ay fursad ugu helli lahayd kor u qaadida aqoontooda, Maamulka Iskuulka Mubtada dhankooda waxay u mahad-celiyeen ururka horumarinta Afrika deeqda uu soo gaarsiiyay, waxayna balan-qaadeen in sida ugu haboon looga faaidaysan doono.


Kormeeraha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Gobolka Karkaar Mahad Gacayte waxa uu xusay in aggabkaan ay kaalin wayn ka gaysnayaan sidii ay ardaydu pratical ugu samayn lahaayeen casharada iyo duruusta ay qaataaan.


Ugu danbayn Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye waxaa uu u mahadceliyay Masuuliyiinta Ururka Horumarinta Afrika, waxa uu tilmaamey in ay ku dayasho mudayihiin, Ururada iyo qurba-joogta ayaa sidoo kale ka codsaday in weli dugsiyadda qaar ay ka jiraan baahiyo la xiriira xagga aggabka waxbarashada loona baahan yahay in la gacan laga gaysto.


Africa For Development Organization waa urur horay uga qeybqatay Barnaamijyo waxtar u ah Bulshadda waxana uu lacago iyo deeqo kale ka gaystay wadada Ceel Daahir iyo dugsiyo agoonta wax lagu baro.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *