Jeneral Stephen Townsend Oo Muqdisho Booqday

Published: November 5, 2019

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika Jeneral Stephen Townsend ayaa booqasho ku tegay Magaaladda Muqdisho,, waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ku simaha safiirka ee Safaaradda Mareykanka Brian Neubert iyo hoggaanka sare ee militariga Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Booqashada uu ku toga Somalia ay furs u siisay inuu la kulmo ciidamada , uuna qiimeeyo horumarka ololaha ka dhanka ah la dagaalanka shabakadaha argagixisada ee gobolka.

“Waxaa mudnaanta koowaad leh ballanqaadkeena ah inaan ka caawino saaxiibadeena Soomaaliyeed hagaajinta amniga iyo horumarinta hay’adahooda difaaca, “ ayuu yiri Jen. Townsend. “Si amnigu u shaqeeyo wuxuu sidoo kale u baahan yahay dadaal dheeri ah iyo taageero isku duuban in laga helo beesha caalamka.”

Townsend wuxuu xusay in Ururada xagjirka ahi ay halis ku hayaan saaxiibadooda Afrika, danaha Mareykanka ee gobolka iyo wadanka Mareykanka, isagoo ku baaqay feejignaan iyo iskaashi si Soomaaliya iyo gobolkaba ay ammaan u helaan.

“Argagixisadu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inaan daba joogno oo aan burburineyno maanta ugana hortagaan faafidooda berri,” ayuu yiri.

Mareykanku waxa uu dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera tababaradka iyo mushaharka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalamka ururka Alshabaab iyo qaybo ka mid ah milateriga Somaliya ee ku sugan gobolka Shabeeladda Hoose.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *