Muuse Biixi oo Isbedel Ku Sameeyay Taliska Sare ee Booliiska Somaliland

Published: November 5, 2019

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ayuu uumagacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu Taliyaha ciidamada Somaliland u magacaabay Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, halka uu ku xigeenkiisa uu u magacaabay Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Somaliland Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire oo xilka qaadistiisa lagu xusay wareegtada madaxweynuhu soo saaray.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Isbedelka uu madaxweyne Muuse Biixi uu sameeyay ayaa imaanay ka dib markii uu geeriyooday taliyihii hore ee Ciidamada Somaliland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *