Safarkii Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh ee Beledweyne oo baaqday

Published: November 5, 2019

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay ka baaqdeen Safarkii Maanta ay ku tegi lahaayeen Magaalada Baladweyne,si ay gurmad u gaarsiiyaan dadkii uu saameeyey fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan.

Sababaha ay uga baaqsadeen safarkooda magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha magaaladaas oo u xirmay roob in ka badan 8 saacadood ka da’ayay magaada Baladweyne iyo deegaannada hoostaga.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo kamid ah Sanoter-da Aqalka Sare iyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin inuu dib u dhac ku yimaado safarkii ay maanta ku tegi lahaayeen Baladweyne.

” Waan ka xunnahay Safarkeenii maanta lagu tagi lahaa Beledweyne iyo Berdaale oo dib udhac kuyimid kadib markii xaley ilaa saaka ay roobab xoogan kadaen taas oo sababtey in Airport ka Beledweyne diyaaraduhu ay kutagi karin ayuu yiri “

ayuu yiri Sanoter Ilyaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana lagu waday in maanta ay diyaarado gargaar sida u dirto magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale, hayeeshee uu saameyn ku yeelan karo roobka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *