Baarlamaanka Puntland oo gudi u xilsaaray caqabadaha jirra. sidoo kale waxaa la fasaxay ilaa maalinta isniinta.

Published: November 6, 2019

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa soo gabagabeeyay dhagaysigga warbixinada gudiyadda baarlamaanka Puntladn ay soo ururiyeen ee la xiriira xaalada guud ee deegaanada Puntland, Gudiyadda dhaqaalaha, Amniga, Xaquuqul insaanka, hawlaha guud, ganacsiga iyo kaabayshaa dhaqaalaha. waxayna golaha la wadaaageen kormeerada ay sameeyeen, caqabadaha jirra iyo waxyaabaha ay soo arkeen.


Maanta oo Arbaco ah ayay baarlamaanka mar kale fariisteen waxayna soo aruuriyeen caqabadaha jirra ee ay soo arkeen mudadii ay kormeerada shaqo jireen, golaha ayaana gudi kasoo talo bixiya arinkaas u saaray, waxaa sidoo kale la amray in golaha la keeno maalinka isniinta. Baarlamanaka ayaana la fasaxay ilaa iyo maalinka isniinta ah


Dhanka kale golaha wakiilada puntland ayaa u muuqda kuwa kala qaybsan, waxaana jirra mawshino kala duwan oo ka socda Magaalada Garoowe Caasimada Puntland. lamana yaqaan halka ay mawshinadaan ku danbayn doonaan iyo saamaynta ay dawlada ku yeelan doonaan.


Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *