Erdogan oo Xaqiiyay Qabashada Mid Ka ah Xaasadkii Hoggaamiyihii Daacish

Published: November 6, 2019

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa xaqiijiyay in ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah xaasadkii hoggaamiyihii ururka Daacish ee ciraaq iyo suuriya Abu bakar Albaqdaadi oo toddobaadkii hore ciidamada Maraykanku dileen.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay koox arday ah wax kale uu sheegay inay gacanta ku dhigeen gabar la dhalatay Baqdaadi iyo Ninkeedii.

Ciidamada khaaska ah ee Maraykanka ayaa toddobaadkii hore howlgal ay ka sameeyeen wadanka Suuriya waxay ku dileen Abubaker Albqadaadi, oo ahaa hoggaamiyihii Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *