Gabadh Soomaaliyeed oo kamid noqotay golaha deegaanka Lewiston

Published: November 6, 2019
Shares2
Safiyo Khaalid

Safiyo Khaalid oo 23 jir ah ayaa noqotay gabadhii ugu horreeysay ee Soomaali ah kana mid noqota golaha degaanka magaalada Lewiston ee gobolka Main ee dalka Mareykanka.

Tartanka doorashada golaha degaanka magaalada Lewiston ayaa la soo gaba-gabeeyay, waxaana Safiya ay ku soo baxday 69.6% codkii ay dhiibteen dadka magaaladaas ku nool.

Waxaa ay doorashada kaga adkaatay xubin ka mid ah xisbiga Dimuqraadiga oo ay iyadaba ka mid tahay.

Sanadkii 2017-kii ayaa iyada oo 20 jir ah waxaa ay u tartantay guddiga waxbarashada ee Magaalada inkasta oo aysan ku guuleysan.

Xilka golaha degaanka ee ay ku guuleysatay waxaa hayay Jim Lysen, kaas oo aan sanadkan tartamin in ay guuleysatana isaga ayaa qeyb ka ahaa waxaana uu u ololeeyay sidii iyada loo dooran lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment