Gudigga Culimadda iyo Gnacsatada ee Gurmadka Fatahaadaha oo ka wabixiyay waxyaabaha u qabsoomay.

Published: November 6, 2019

Guddiga Gurmadka Fatahadaha ee Culimada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay wadeen gurmadka dadka ku waxyeeloobay Fatahaadaha webiyada, si gaar ah waxaa loo haday khasaaraha ka dhashay fatahaada webiyadda Jubba iyo Shabeele.

Sheek Aadan Sheekh Cali Diiriye oo ah afhayeenka guddiga gurmadka culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa uu sheegay in gudiggu gacanta ku hayo lacag ku dhaw Hal-Malyan oo dollar.

“Waxaa la yaboohay oo illaa iyo hadda Guddiga gacantooda soo gashay lacag dhan $955,742 Dollar, iyadoona la rajaynayo in lacago kale ay gacanteenna soo galaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Cali.

Sheikh Bashiir Cumar Salaad oo ka mid ah guddiga howshaan gacanta ku haya waxa uu xusay in loo baahan yahay in la gar-gaaro dadka soomaaliyeed ee fatahaaduhu barakicyeen sanadkaan, isagoona intaas ku daray in ummadda Soomaaliyeed ay tahay dad jecel in mar waliba ay isu gurmadaan.

Culimada, Ganacsatada, Shacabka, Xisbiyada Mucaaradka iyo dad is-xilqamayaal ah ayaa gudaha dalka iyo dibadda ka wadda dadaaloo loogu gurmanayo dadka ay samaeeyeen fatahaadaha ka dhashay webiyadda Jubba iyo Shabeele.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *