Lafta gareen oo UK ugu Mahad celiyay tababarka ay siiyaan Ciidanka Maamulkiisa

Published: November 6, 2019

Madaxweynaha maamul Goboleedka koonfur Galbeed Md; Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) , ayaa Dowladda Ingiriiska iyo Saraakiisheeda ku sugan Soomaaliya ugu mahad celiyay tababarrada ay siiyaan Ciidanka xoogga Dalka .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen)

Mudane; Lafta gareen, oo Maanta ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayey 140 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka qeybtiisa 60-aad ayaa ku dheeraaday muhiimada ay Bulshada u leedahay in ay helaan Ciidamo u difaaca Dalkooda, Diintooda iyo sharaftooda.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka tababarka dhammeystay kula dardaarmay in ay ku dedaalaan sidii ay cadowga caadeystay dhibaataynta Shacabka Somaliyeed u Cirib tiri lahaayeen.

Ciidankan oo nuddo Laba Bil ah ku jiray Dugsiga tababarka ee ay Dowlada Ingiriiska ku leedahay Magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay Dhoolla tus ka tarjumaya sida cadowga loogu hor tago xilliyada ay weerarka soo qaadaan.

Safiirka Uk u Fadhiya iyo Wasiiry Dowlaha Wasaarada Amniga Federaalka

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Wasaarada amniga Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahooda kala duwan.

Generaal ; Cabdiraxmaan Tima cadde, oo ah Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60-aad ayaa sheegay in ay juhdi badan soo geliyeen tababaridda  Ciidanka Maanta Qalin jebiyay.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya oo ay Dowladdiisu bixisay tababarka ayaa Sheegey in Dowladda Somaliya ay ka taageeri doonan tayanta iyo tababarrada Ciidanka xooga Dalka ,si amniga Dalka ay ula wareegaan dhowaan.

Lafta gareen oo Dowladda UK ugu mahad celiyay tababarka ay siiyaan Ciidanka xoogga Dalka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *