Rasaas xoogan ayaa ka bilaabatay Agagaarka dhismaha baarlamaanka Puntland.

Published: November 6, 2019

Fiidnimadii caawa ayaa laga maqlay rasaasta waaweyne ee lagu xirro gawaarida tiknidda ah iyo kuwa qoryaha fudud ka dhaca agagaarka aqalka golaha wakiilada Puntland, ciidamo ka tirsan madaxtooyada ayaa la sheegay in ay dul-taggeen aqalka barlamaanka waxaana gebi ahaanba goobta in ay soo galaan u diiday ciidamada ilaaliya xarunta, ka dibna waxa ka dhashay dagaal laysu adeegsaday hub.


Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, Golaha baarlamaanka Puntland ayaana maanta galay fasax dhan muddo sadex cisho ah waxaana lagu balamay in dib loo furo golaha maalinka isniinta ah, maalmahan waxaa jiray abaabulka mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhooba-daarood sida ay Horseed Media heshay. Mana cadda in dagaalkaan uu xiriir la leeyahay iyo in kale.


Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *