44 Xildhibaan oo saxiixay mooshin ka dhan ah Gudoomiye Dhoobo

Published: November 7, 2019
Xildhibaanada Puntland

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay in uu qabtay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamanka Puntalnd, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Waxaa uu sheegay in 44 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka ka dhan ka ah guddoomiyah.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland, waxaana ay tusaale usoo qaateen hadal la sheegay in uu yiri guddoomiyaha oo ahaa in Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibanaada barlamaanka Puntland ayaa warqad ay ku saxiixan yihiin u gudbiyay guddoomiye ku xigeenka 1-aad, waxaana ay guddoomiyaha ku eedeeyeen in xarunta barlamanaka uu soo dhoobay ” Maleeshiyaad hubeysan “.

Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay Saddex qof oo mid kamid ah uu yahay ganacsade halka Shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Arintaan ayaa ka dhalatay kadib markii taliyaha ciidanka booliska ee Puntland uu u tegay ciidan ilaalo ka ahaa xarunta baarlamanka, kuwaas oo dhawaan gudoonka baarlamanka uu ku soo xoojiyay ciidammado kale oo aan ahayn kuwii horay u joogay.

Gacan ka hadalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay, hadal dhexmaray labada dhinac, waxaana xigtay rasaas ay is-weydaarsadeen labada dhinac.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *