Ciidamo ka tirsa Booliska Puntland oo la wareegay Xarunta Baarlamanka Puntland iyo Khasaaro ka dhashay dagaal xalay ka dhacay xarunta.

Published: November 7, 2019

Khasaare isugu jirra Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland iyo kuwa ku sugnaa xarunta baarlamaanka Puntland, Sida ay Horseed media heshay 5 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa geeriyooday sidoo kale 3 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dagaalkaan.

Ciidamada Booliska ayaa guud ahaan la wareegay maamulka xarunta Aqalka Wakiilada Baarlamaanka Puntland waxaana goobta isagga baxay ciidamadii kale ee ku sugnaa.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo hadlay waxa uu gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in uu ciidamo malayshiyaad ah goobta keenay isla markaana ay ciidamada la dagaalameen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa xukuumadda ku eedeeyey in ay ka dambaysay weerar xalay lagu qaaday Hoolka Baarlamaanka Puntland ee Garoowe .

” Ciidamadii Dawladda , xatta kuwii daraawiishta ee furimaha joogay noc ay yihiinba waa la keenay Hoolka Baarlamaanka ayeyna ku hareeraysan yihiin ” Ayuu yiri Gudoomiyuhu

Ujeedka weerarkan Xukuumadda Madaxweyne Dani ka leedahay ayuu ku tilmaamay inay tahay in si xoog ah sida ay rabto wax uga fuliso Baarlamaanka sharuucdana baalmarto waa sidda uu hadalka u dhigay.

” Sifo sharci ah baa Baarlamaanka ku imi , sifo sharci ahna waan doonayaa inaan xilkayga kuwaayo waxaa intaa kabadan maya ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanku.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *