Haweenay ka Badbaaday Dagaalkii Labaad ee Aduunka oo Ilaalo Gaar ah Loo Sameeyay

Published: November 7, 2019

Haweenay lagu magacaabo Liliana Segre oo da’adeedu tahay 89 Jir ayaa ciidamada ammaanka ee Talyaanigu waxay u sameeyeen ilaalo gaar ah kadib markii kooxo cunsiriyiin ah ay hanjabaado u soo direen.

Haweeenaydan ayaa ka badbaaday Xeradii geerida ee Auschwitz oo Naasigii Jarmalku ay ku laayeen boqolaal ku qof oo Yuhuudii ku noolayd Jarmalka iyo Bariga Qaarada Yurub xiligii uu socday Dagaalkii labaad ee Adduunka 1939 ilaa 1945tii

Hanjabaada iyo weeraro af iyo qoraal ah oo lagu soo qaaday Haweenayda oo ah senatarada ka tirsan barlamaanka Talyaaniga ayaa timid ka dib markii ay soo jeedisay in la sameeyo guddi aan caadi ahayn oo la tacaala nacaybkaa iyo midab kala sooco jisniga, midabka iyo diimaha.

Xubnaha barlamaanka ee xisbiyada midig-dhexe ee Forza Italiya, NLP, iyo Xisbiga cunsiriga ee Walaalaha Midigta fog aayaa ka hor yimid soo heeding Haweenaydan.

Marwo Segre waxay sheegtay in maalin walba ay soo gaaraan 200 fariimood oo hanjabaad ah tan iyo markii ay soo jeedisay in la sameeyo guddiga ka hortega Nacaynta iyo cunsiriyada.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Talyaaniga ayaa furay gal dacwadeed lagu baarayo hanjabaada Marwo Segre, waxayna ka codsadeen Xafiiska ka hortega falalka argagixisada inay ka caawiyaan baaritaanka.

Wadamada qaarada yurub sanadihii u dambeeyay waxaa soo kordhaya ururada iyo shakhsiyaadka ku caan baxay cusurinimada iyo nacayba ajaaniibta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *