Haweenay Kenyan oo 1 Kiilo oo Daroogo Khatar ah Ku Waday Caloosheeda oo La Qabtay

Published: November 7, 2019

Booliiska wadanka Thailand ee Koonfur Bari ee Aasiya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bankok ku qabtay haween u dhalatay wadanka Kenyan oo caloosheeda ku waday Daroogada Kookiinta oo culayskeeda lagu sheegay 1.2 Kiilo Garaam.

Haweenaday oo aan weli magaceeda la shaacin ayaa ka timid dalka Angola ee Koonfurta Qaarada afrika. kadib markii laga shakiyay ayaa waxaa lagu baaray Raajada X-rayga, waxaa kaloo lagu sameeyay baaritaano kale , waxaana la ogaaday inay caloosha ku sido daroogada khatarta ah ee Kookiinka oo sida kiniiniga laga dhigay.

Booliiska Thailand oo Shir jaraa’id qabtay waxaa ay sheegeen in noocan dargoogada ay qabteen ay qiimo qaaliya la kala siisto suuqyada darooga ee dalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay, Booliiska Thailand waxay gacanta ku dhigeen muwaadiniin u dhashay wadanka Kenya oo isku dayay inay si qarsoodi ah u soo galiyaan wadankaasi noocyo kala duwan ee daroogo ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *