Mashruuc 24 Milyan oo Doolar Ku Baxayso Oo Lagu Daahfuray Muqdisho.

Published: November 7, 2019

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ku-xiggeenka Safiirka Norway ee Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee Dawladda Norway u qaabilsan Geeska Afrika iyo madaxa Hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay Kulan oo daah-furayey  wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyadda guud ee bulsahadda oo ay maalgelineyso Norway.

Mashruucaan oo socon doona muddo Seddex sano ah, ayaa waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyaddoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arrimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, garoomada ciyaaraha, isbitaalada, naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan uu  xambaarsanyahay muhiimad weyn, islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyaradda, Dadka Danta yar, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan.

Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale Ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo, xarumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hadda ay xooga saari doonaan siddii loogu guuleysan lahaa mashruucaan labaad oo faa’iido badan u leh bulshadda Soomaaliyeed .

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *