Maxaa loo cuskadey xil ka Qaadista Dhooba Dareed? [Muqaal]

Published: November 7, 2019

Xildhibaanada gollaha wakiiladda Puntland ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyahahoodii Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), kadib markii 44 Xildhibaan ay ka soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah.

Guddoomiye Dhoobo,  Waxaa xilka ka qaadistii u codeeyay 49 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Barlamaanka  Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo shir guddoominayay fadhiga maanta oo uusan goobjoog ka ahayn guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Guddoomiye Ku-xigeenka wuxuu sheegay in Guddoomiyaha lagu soo eedeeyay inuu jabiyay ama ku tuntay qodobo dastuurka Puntland ka mid ah iyo xeer hoosaadka barlamaanka,  wuxuu tilmaamay in guddoomiyaha lagu eedeeyay qodobo ay ka mid yihin inuu maleeshiyaad hubaysan keenay barlamaanka, inuu ku tuntay qodobka 59 ee dastuurka oo sheegaya  wadashaqaynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Qodobada kale ee lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ah inuu BBC-da ka sheegay inu Puntland ay dhisteen  3 Qabiil, taasi oo ay sheegeen inay meel ka dhac ku tahay xaqa muwaadinka ee ah inuu qaban karo xil kasta.

Qodobada Loo Cuskaday Xil-ka-qaadista Guddoomiyaha

  1. Qodobada uu ku tuntay 59 dastuurka dowladda Puntland oo sheegaya Hay’adaha dowladda inay ka dhexeyso wada shaqayn sharciga waafaqsan.
  2. Wuxuu golaha wakiilada dowladda Puntland xaruntiisa oo dhoobay malayshiyo hubaysan oo uus oo urursaday, wuxuuna ku xadgudbay Qod 55aad ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda dowladda farqadiisa 1aaad oo dhigayso ciidanka gudaha ee loo igmadya shaqada amni ee golaha wakiilada, ciidan aan ahayn inaan golaha la keen karin.
  3. Wuxuu hoolka golaha wakiiladda la soo galay ilaalo hubaysan taas oo mamnuuc ka ah hooolka shirarka ee gollaha sida ku Susan Isla qodobka 55aad ee xeer hoosaadka golaha farqadiisa 3aad, wuxuuna iska indho tiray tala soo jeedintii guddiga Amniga gollaha ee qodobka sare ku Susan uu siinayo awooda ilaalinta iyo hubinta in hoolka shirarka ee golaha laga ilaaliyo hub iyo ciidan.
  4. Wuxuu sidoo kale u gafay mara badan kana bay ray Osaka India tired qodobka 50aad ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda daowladda Puntland ee dhigay inuu xildhibaanku xaq u leeyahay dhexgal toosineed.
  5. Wuxuu ka baxay dhexdhexaadnimadii xubnaha marka ay dooduhu socdaan isagoo xubnana qaarkood siiya waqti dheeri ah is ka baxsan qodobka 48aad ee farqadiisa 2aad xarafka B oo dhigaya in xildhibaan walba uu 3 daqiiqo doodiisa ku koobo, wuxuuna is cad ugh horyimid xildhibaanka aan la fikirka ahayn isagoo xitaa dooda ka dhexgala.
  6. Sidoo kale wuxuu is badheedha ah ugh tuntay cod 69aad farqadiisa 3aad iyo 5aad ee celinta iyo miisaaniyada dhaqaale ee golaha wakiiladda Puntland.
  7. Wuxuu sidoo kale Idaacada BBC ka sheegay dowladda Puntland inay dhisteen oo qaybsadeen Saddex qabiil taas oo meelka dhac ku ah sharciga iyo xaq muwaadniintu inay u simanyihiin xilalka dowladda.

Jawaabta dhoobo Daareed.

Guddoomiye Dhoobo Daareed oo xalay waraysi bixiyay wuxuu sheegay in sifo sharci ah lagu doortay sida loo doortay madaxweynaha Puntland, xilkana looga qaadi karo oo kaliya sifo sharci, islamarkaana uusan aqoonsan doono go’aankasta oo xilka looga qaadayo, waxaana uu yiri

“ Waxaan ku imid sifo sharci ah Kursiga, gollahaana I doortay sida madaxweynaha loo doorway, sifo sharci ah ayaan kaga tegi karaa, waxaan xilka ku waayi karaa waxay ku qoran yihiin dastuurka, xeer hoosaadkana waa ku qoran yihiin, xilka intaas ayaan ku waayi karaa ee xoog kuma waayi karo, waxkasta oo ay dhoodhaabana sharci ma noqon doonto , Guddoomiyihii sharciga ahaa waa anniga sifo sharci ayaan ku tegu kara, Mana aqoonsan doono wixii ka soo baxa.. waxaa la adeegsanayaa waa hantidii ummadda, lacag baa la qaybinayay oo caawa la qaybinayaa, wadooyinkii waa googan yihiin, dalku waa dayacan yahay, adeegyadii bulshada waa wada dayacan yihiin, hantidii ummadda laga qaadayna, waxaan waxba ka jirin oo aan sharci ahayn

Xilka qaadista dhooba dareed oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Ilaa 3 qof oo uu ku jiiro nin Ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaanay Puntland ayaa ku geeriyooday ka dib markii uu dagaal ku dhexmaray xarunta barlamaanka Puntland ciidamo Booliis ah iyo ciidamo Ilaalo ka ahaa xarunta Barlamaanka, dagaalkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay ilaa 6 qof oo kale.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland General Muxiyadiin Axmed Muuse oo ka hadlay dagaalkaasi waxaa uu sheegay in ciidamo Booliis ah oo doonayay inay la wareegeen ammaanka xarunta barlamaank ay rasaas ku fureen ciidamo uu  ku sheegay maleeshiyaad uu xarunta barlamaanka keenay  guddoomiyaha barlamaanka Dhoobo daareed.

Dhinaca kale, guddoomiyaha barlamaanka oo ka hadlay dagaalka ka dhacay xarunta barlamaanka ayaa eedeeyay xukuumadu inay weerar ku soo qaadeen xarunta barlamaanka, waxa uu xusay in ciidamada joogay barlamaanka ay ahaayeen ilaaladii hore u joogtay, qaar ka mid ah ilaaladiisa Gaarka ahayd iyo Ciidamo iyo Tikniko uu sheegay inay ka yimaadeen xarunta madaxtooyada Puntland.

“ Waxaa weerartay xukuumada, waxayna ahaayeen Ciidankii dowladda, waxaana hoggaaminayay Muxiyadii Gacamay, Taliyaha ciidanka guud waa madaxweynaha, Ma jirto waxaan madaxweynuhu ogayn oo la fulin karaa, falkaas ciidankaas ayaa fuliyay, xoogna inay ku qabsadaan doonayay, ilaaladii barlamaanka ayaa iska caabin samaysaysa”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Gurigiisa magaaladda Garowe ay isku gadaamaan ciidamo ka socda Xukuumadda, xiligaas oo gurigiisa ay ku sugnaayeen Isimo iyo Cuqaal ka socotay gobolka Sanaag oo uu hoggaaminay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Mar la waydiiyay inuu jiray khilaaf u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxa uu sheegay in ayan jirin khilaaf iyo dhibaato dhextaalay isaga iyo madaxweynaha.

Madaxtooyada Puntland well wax war ah Kama soo saarin xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Dhoobe Daareed iyo Dagaalkii ka dhacay xarunta barlamaanka Puntland, kaasi oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment