Puntland oo Dil Ku Fulisay 5 Nin Oo Ku Eedaysnaa Inay Ka Tirsanaayeen Alshabaab

Published: November 7, 2019

5 Nin oo ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen ururada Alshabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira dowladda Puntland ayaa maanta Maxkamada Ciidamada Puntland dil-toogasho ku fulisay

5ta nin ee la toogtay ayaa Magacyadiida maxkamaddu ku sheegtay Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah, Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah, Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Ragan oo ciidamada amniga Puntland ay ka soo qabqabteen degaamada Puntland ayaa   mudo waxay ku xirnaayeen xabsiga magaaladda Boosaaso , waxaana xukun dil ku Friday Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankuba.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *