Dhoobo oo Gaaray Gobolka Sanaag

Published: November 9, 2019

Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland C/xakiim Dhoobo Daareed, oo maalintii shalay xubnaha barlamaanka Puntland ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaa galabta gaaray gobolka Sanaag.

Mudane Dhoobo ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, Halkaasi oo uu kula kulmay odoyaasha degaaanka iyo shacabka magaaladda.

Weli Kama hadlin Ujeedka safarkiisa uu ugu baxay gobolka Sanaag iyo tirada maalmaha uu halkaasi uuku sugnaan doono iyo inuu dib ugu soo laban donna caasimaadda Garowe.

Dhoobo Daarood waxaa uu sharci darro ku tilmaamay go’aankii Xildhibaanada barlamaanka Puntland ay Xilka uga qaadeen isagoo sheegay in go’aankiisa ahaa mid aan dastuur ahayn.

6dii bishop September aaa Ciidamada Amanda Puntland waxay weerareen xarunta Barlamaanka Puntland oo ay joogeen ciidamo ka amar qaadanayay guddoomiye Dhoobo Daareed, Weerarkaasi waxaa ku dhintay 3 qof.

Dhinaca kale, Magaaladda Garoowe waxaa weli ku sugan Suldaanka guud ee beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Cuqaal ka soo jeeda Gobolka Sanaag.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *