Duqa Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Magaalada Durban.

Published: November 9, 2019

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Dhigiisa Magaalada magaalada Durban Mr Mxolisi Kaunda, Labada Gudoomiye ayaa ka wada-hadlay sidii la isugu xiri lahaa labada magaalo, isla markaana u dhex mari lahaa xiriir maamul iyo mid bulsho.


Guddoomiye Cumar Filish ayaa Duqa magaalada Durban guddoonsiiyay hadiyado dhaqameed labis ah oo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida, Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Caalamiga ee Duqa magaalooyinka, waxaana la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirkaas uga hadlo horumarka iyo dib u soo kabashada Caasimadda Muqdisho.


Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *