Hindiya:Maxkamad Ku Wareejisay Dadka Hinduuga Masaajid ay Lahaayeen Muslimiintu

Published: November 9, 2019

5 Garsoore oo ka tirsan Maxkamada sare ee wadanka Hindiya ayaa xukumay in Hinduuga lagu wareejiyo Dhulkii laga barburiyay Masjid Muslimiinta Hindiya Lahaayeen ee ku yaalay Ayodhiya ee gobolka Uttar Pradesh.

Dhulka Masjidka laga burburiyay oo ay Hinduugu ay aamisan yihiin inay tahay halkii uu ku dhashay mid ka mid ah ilaahyada ay aamisan yihiin Lord Ram ayaa loo ogolaaday inay ka dhistaan Macbad, Halka Muslimiintana la siin doono dhul bedkiisu gaarayo shan hektar oo ku yaal Ayodhiya halkaasi oo ka dhisan doonaan Masjid.

Masjidka la burburiyay oo lagu magacaabo Babri ayaa la dhisay qarnigii 16aad ee tariikhda Milaadiga, sanadkii 1992dii ayaa waxaa burbiriyay kooxi Hinduus ah, qulqulatooyin ka dhashay falkaas waxaa ku dhintay dad gaaraya 2000 ku oo qof.

Matalayaasha Muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolkaas ayaa xukunka maxkamada u arka mid aan cadaalad ahayn hase yeeshee waxay sheegeen inaysan rafcaan ka qaadan doonin go’aanka maxkamada halka dadka aamisan diinta Hinduuga ay soo dhaweeyeen go’aankaasi oo ay ku tilmaameen Guul u soo hoyotay dadka Hinduuga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *