Kenya – Qareenno doonayay in Kenya ka baxdo kiiska Badda oo lacagtii laga jaray

Published: November 9, 2019
Sawir hore- Qareenada Kenya oo ku sugan ICJ

Koox Qareenno ah oo ku doodayay in dowladda Kenya aysan sii wadin dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadoodii istaagtay.

Waxaa ay sheegeen in miisaaniyaddii ay ku shaqeyn lahaayeen laga joojiyay sidaas darteedna kiiska in ay sii wadaan ay laftooda ku adkaatay.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayey u gudbiyeen dacwad la xiriirta in Kenya ka laabato ICJ, waxaana loo sheegay in kiiskooda la dhegeysan doono 10-ka November ee sanadkan.

Miisaaniyadda ay qorteen ayaa gaareysa 32.1 Bilyan oo shilinka Kenya ah, hayeeshee Baarlamaanka Kenya ayaa u ansixiyay 14.5, Wasaaradda Maaliyadda ayaase ka sii jartay qeyb kale waxaana u soo haray oo kali ah 11.5 Bilyan oo shilinka Kenya ah taas oo meesha ka saartay in ay sii wadaan shaqada.

Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa sheegtay dakhliga soo galay oo yaraaday darteed ay ku adkaatay in ay meel mariso miisaaniyadda uu baarlamaanka u qoondeeyay qareennada isu xil qaamay in Kenya ay ka baxdo kiiska Badda eek ala dhaxeeya Soomaaliya.

Qareennada Kenyaanka ah ayaa aaminsan in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadda Badda islamarkaana Kenya noqoneyso dal aan Bad lahayn haddii Soomaaliya loo xukumo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. waa la yaab waxaan la yabanahy dalka kenya waa dal beesha caalamka si wanagsan ay u ixtiraman dhanka maal gashiga dalka kenya aad ayuu u heer sareeyaa lkin la isma laheen kenya ayaa damaacinayso dal ku jiro xendabka dowladnimo ee beesha calamka aqoonsantahy kenya waxay si bareer u damacisay hantida shacabka somaliyed nasib daro kenya damaceda iyo mucaradka somalida danahoda garka ma noqon doono mid suurta gal u noqon doono mana dhaceyso sheego ana waan kuu marqaati kacaa