Madaxweyn Deni oo Khudbad Ka Jeediyay Tartan Ka Dhacay Garoowe

Published: November 9, 2019

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xiray tartanka Orodka gaaban ee Gobolada Puntland oo lagu qabtay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, 

Tartanka oo ah orodka gaaban ee la ordo 5KM waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland oo kaashanaysa Hayádda UNFPA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, ayaa goobjoog ka noqday bar-dhamaadka tartanka si uu u dhiirigeliyo Orodyahanada oo siday u kala dheereynayeen halkaasi ugusoo kala hormaray.

Tartanka markuu dhamaaday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la hadlay tartamayaasha dhallinyaradii iyo qeybihii kala duwana ee Bulshadii isugu timi xafladda Abaalmarinta Orodyahanada, wuxuu Madaxweyne Deni dhiirigeliyey orodka iyo ciyaaraha oo muhim u ah caafimaadka dadka.

Khudbad uu Madaxweynaha jeediyay ayuu ugu hambalyeeyay dhalinyarada kaalmaha hore ka gashay tartanka iyo dhammaan intii kawada qeyb qaadatay, wuxuuna ugu danbeyn shahaadooyin Abaalmarino Lacag iyo Agab isugu jirta guddoonsiiyey 10kii Orodyahan ee ugu sareeyay tartanka.

Madaxweyne deni ma soo hadal qaadin weerarkii ka dhacay barlamaanka oo ay ku dhinteen 3 qof iyo xil-ka-qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii barlamaanka Puntland C/xakiim Dhoobo Daareed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *