USA – Xarun caafimaad oo logu magac darayo askari Soomaaliya ku dhintay

Published: November 9, 2019
Sawir hore – Maydka Alexander Conrad

Mudanayaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka ku matala gobolka Arizona ayaa isku raacay in magaca laga beddelo xarunta caafimaadka ee lagu daweeyo halyeeyayada Mareykanka ee ku taalla gobolka.

Martha McSally iyo R-Ariz oo ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka iyo Andy Biggs oo ka tirsan Aqalka Hoose ayaa saxiixay sharci magaca looga beddelayo xarun caafimaad oo lagu daweeyo halyeeyada ciidanka Mareykanka .

Xildhibaannada ayaa isku raacay in xaruntan loogu magaca daro Alexander Conrad, oo 8-dii June 2018 lagu dilay Koofurta Soomaaliya markii goob ay ku sugnaayeen uu ku dhacay madfac ay ku rideen Al Shabaab.

Alexander Conrad, oo 26 jir ahaa ayaa waxaa Laba jeer loo diray dalka Afghanistan, waxa uu la dagaallamay Daalibaan, waxaana kaddib loo soo diray Soomaaliya si uu ula dagaallamo faraca Al Qaacidda ee Soomaaliya, hayeeshee gacantooda ayuu ku baxay.

Ehelkiisa, saaxiibadiis iyo dadka degaanka ayaa aad u soo dhaweeyay aragtida xildhibaannada Mareykanka, waxaana ay ku baaqeen in qof kasta oo u dhinta difaaca dadka Mareykanka loo sameeyo maamuus gaar ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *