Iiran oo Laga Daahfuray Ceel Shidaal Oo Balaayiin Fuusto Ku Jiraan

Published: November 10, 2019

Madaxweynaha Iiran Xasan Ruuxaani ayaa ku dhawaaqay inay heleen Ceeli Shidaal oo ay ku jiraan 53 Bilyan oo Fuusto oo saliida cayrin ah, ceelkaas ay kor u qaaday kaydka saliida ee Wadankaasi.

Ceekan shidaalka ayaa laga helay koonfurta gobolka Khuzestan province, halkaasi oo ay ku yaaliin inta Ibadan Ceelasha Shidaalka ee dalkaasi Iiran. Gobolka ayaa xuduud la leh wadanka Ciraaq.

“Waxaanu u sheegayaa Aqalka cad ee Maraykankan maalmaha aad cunaqabataynta saarteen iibka Shidaalka Iiran, Injineeradayadu waxay ku guulaysteen inay daahfuraan Ceel shidaal oo ay ku kaydsan yihein 53 Bilyan oo Fuusto” Sidaas Waxaa Yiri Madaxweyne Ruuxaani

Iiran waa dal afraad ee kaydka ugu ballaaran ee shidaalku uu ceegaago, iyadoo Ceelka hadda la daahfurayna uu noqonaya kan labaad ee shidaalka ugu badan uu ku Jiro. Dalkaasi waxaa hore looga helay ceel shidaal oo uu ku jiro 65 bilyan oo Fuusto.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *